Somaliksi Tietoa lukiokoulutuksesta monikielisille perheille: Warbixin ku saabsan waxbarashada guud ee dugsiga sare ee ku toosan qoysaska ku hadla luqado badan
Xirmadan macluumaadka luqadaha badan waxa loogu talagalay dadka ku hadla luqadaha ajnabiga ah iyo waalidiinta/mas'uuliyiinta muhaajiriinta dhaley ardayda wax ka barta dugsiyada sare ee Espoo. Xirmada macluumaadka waxa ay ku siinaysaa macluumaad ku saabsan waxbarashada khasabka ah, waxbarashada guud ee dugsiga sare (lukio), haanuuninta iyo taageerada ardayda, dhammaystirka imtixaanka shahaadada, wacnaanta iyo adeegyada macallimiinta dhaqanka, iwm. Macluumaadka luqadaha badan waxaa lagu daabici doonaa bogga magaalada Espoo, halkaasoo dhammaan macluumaadka lagama maarmaanka ah, talooyinka iyo tilmaamaha lagu soo ururin doono isla boggaas, taasoo siinaaya waalidiinta iyo mas'uuliyiinta fursad ay si madax-bannaan u aqriyaan macluumaadka.
- Tietoa lukiokoulutuksesta monikielisille perheille (FI)
- Information om gymnasieutbildning för flerspråkiga familjer (SV)
- Information on general upper secondary school education for multilingual families (EN)
- Інформація про здобуття обов’язкової середньої освіти для багатомовних сімей (Ukrainaksi)
- اطلاعات در مورد آموزش عمومی دوره متوسطه برای خانوادههای چندزبانه
- 普通高中教育信息 面向多语言家庭 (CHI)
- Zanyarî derbarê hînkariya giştî ya lîseyê ji bo malbatên pirrzimanî (kurdiksi, kurmanji)
- Informacione mbi arsimin e mesëm të përgjithshëm për familjet shumëgjuhëshe (albaniaksi)
- Информация об обучении в лицее для многоязычных семей (RU)
- معلومات عن تعليم المدرسة الثانوية للعائلات متعددة اللغات (AR
Finland, dhammaan dhalinyarada waxaa laga baahan yahay inay dhigtaan dugsi ilaa ay ka gaaraan 18 jir. Arday kasta oo dhigta fasalka sagaalaad waa inuu codsadaa waxbarashada dugsiga sare ama waxbarashada diyaarinta. Waxaa loogu talagalay in qof kasta oo dhalinyaro ah uu dhammeeyo ugu yaraan waxbarashada dugsiga sare. Tani waxay kor u qaadaysaa sinnaanta iyo takoor la'aanta dhalinyarada waxayna caawisaa inay shaqo ka helaan Finland.
Waxbarashada dugsiga sare, sida waxbarashada guud ee dugsiga sare ama waxbarashada farsamada, waa lacag la'aan haddii ardaygu uu yahay mid leh da'da waxbarashada khasabka ah. Xuquuqda waxbarashada bilaashka ah waxay soconaysaa ilaa dhammaadka sanadka uu qofku buuxinayo 20 jir. Kuwa soo socdaa waa bilaash:
- waxbaridda
- cuntada maalinlaha ah
- alaabta waxbarashada iyo kombiyuutarada,
- lebbiska iyo alaabta kale ee looga baahan yahay waxbarashada
- shanta imtixaan ee loo baahan yahay si loo dhammeeyo imtixaanka shahaadada, iyo dib u qaadista imtixaanadii lagu dhacey
- safarro dugsi oo todoba kilomitir ah ama ka badan
Haddii qofka da'da yar ee ku nool Espoo uu boos waxbarasho la'aan yahay ama uu joojiyo waxbarashadiisa, dugsigii ugu dambeeyay ay wax ku baranayeen ayaa ogeysiin u gudbin doono magaalada Espoo. Ogeysiinta waxaa lagu sameeyaa adegga Valpas (ulkoinen linkki, avautuu uuteen ikkunaan) , halkaasoo waalidiinta iyo mas'uuliyiinta ay sidoo kale geli karaan oo ay ku arki karaan macluumaadka ilmahooda. Macallimiinta magaalada Espoo waxay la xiriiri doonaan qofka dhalinyarada ah iyo dadka mas'uul ka ah waxayna ka caawin doonaan sidii ay u heli lahaayeen goob waxbarasho oo ku habboon. Haddii ilmuhu aanu codsan ama aanu helin meel uu wax ku barto laba bilood gudahooda ka dib markii uu ogeysiiska soo gudbiyay, magaalada Espoo waxay ardayga boos waxbarasho uga heli doonaan waxbarashada diyaarinta ah. Caawinaad iyo talo ayaa sidoo kale laga helayaa Ohjaamotalo .
Waxbarashada guud ee dugsiga sare (lukio)
Finland waxbarashada guud ee dugsiga sare waa mid daboolo horumarinta dhinacyada waxbarashada ardayga. Ujeeddada dugsiga sare waa in ardaygu ku koro iyo noqdo qof wanaagsan, dheelitiran oo aqoon leh iyo xubin firfircoon oo bulshada ka mid ah.
Hadafka waa in dugsiga sare lagu dhammeeyo 3-4 sano gudahood. Waqti dheeraad ah ayaa la siin karaa, tusaale ahaan, jirro ama naafo awgeeda. Waqtiga dheeraad waxaa bixin karo macallin madaxa.
Imtixaanka shahaadada waxa la qaadaa dhammaadka waxbarashada dugsiga sare. Waxay bixisaa u-qalmitaanka waxbarasho dheeraad ah, tusaale ahaan, xaqqa inaad dalbato machadyada tacliinta sare.
Waxqabadyada dugsi sare oo kasta waxaa maamula Manhajka qaranka ee ubuc-dhexaadka u ah waxbarashada dugsiga sare ee Hay'adda waxbarashada Finnishka. Manhajka maxalliga ah ayaa lagu dejiyaa iyadoo kani lagu salaynayo. Manhajka waxa ku jira daraasado khasab ah iyo kuwo ikhtiyaari ah labadaba. Intaa waxaa dheer, ardaydu waxay dhammaystiri karaan waxbarasho maxalli ee ikhtiyaari ah iyo shahaadada guud ee dugsiga sare iyadoo ku xiran waxayaabaha uu koorsada bixiyo. Waxbarashada guud ee dugsiga sare waxa loo habeeyaa sidii cutubyo/koorsooyin, kuwaasoo baaxadda buundooyinka ay kala duwanaan karaan. Qaybaha waxbarashadu sidoo kale waxay noqon karaan kuwo caadi u ah maadooyinka.
Baaxadda waxbarashada guud ee dugsiga sare waxaa lagu xisaabiyaa buundooyin (cr). Qorshaha guud ee dugsiga sare ee dhalinyaradu waa ugu yaraan 150 dhibcood.
Jaantuska saacadaha casharka ee daraasaadka guud ee dugsiga sare ( Jaantuska 1 ) wuxuu taxayaa dhammaan maaddooyinka lagu baran karo dugsiga sare ee guud.
Lukiokoulutuksen oppimäärään sisältyvät opinnot (tuntijako) = Daraasadaha lagu soo daray manhajka guud ee dugsiga sare (qaybinta saacadaha casharrada)
LOPS2021 = LOPS2021
op = cr
2 tai 4 op = 2 ama 4 cr
Äidinkieli ja kirjallisuus A-kieli = Afka hooyo (luqada kowaad Finnish/Iswidhish) iyo suugaanta, A Luuqadda
B1-kieli = B1 luqadda
B2- ja B3-kielet = B2 iyo B3 luqadaha
Matematiikan yhteiset opinnot = Xisaab, daraasaadka asaasiga ah
Matematiikan pitkä oppimäärä = Xisaabta, manhaj horumarsan
Matematiikan lyhyt oppimäärä = Xisaabta, manhaj aasaasiga ah
Biologia = Bayooloji
Maantiede = Juqraafiga
Fysiikka = Fiisigiska
Kemia = Kiimikada
Filosofia = Falsafadda
Psykologia = Cilmi-nafsiga
Historia = Taariikhda
Yhteiskuntaoppi = Waxbarashada bulshada
Uskonto/Elämänkatsomustieto = Diinta/Anshaxa
Terveystieto = Waxbarashada caafimaadka
Liikunta = Isboortiga iyo jimicsiga
Toinen pitkänä. = Mid horumarsan iyo
Toinen lyhyenä = midka kale oo aasaasi ah
Musiikki = Muusigada
Kuvataide = Fanka muuqaalka
Opinto-ohjaus = La talinta ardayga
Temaattiset opinnot = Daraasadaha falanqaynta xogta tayada
Paikalliset ja lukiokohtaiset valinnaiset = Waxbarashooyin ikhtiyaari ah oo maxalli ah iyo dugsiga gaar u ah
Pakolliset opinnot yht. 94 tai 102 op = Wadarta daraasadaha khasabka ah: 94 ama 102 dhibcood
Huom. Pakollisten opintojen määrä poikkeaa tästä, jos valitsee useamman A-kielen. = Ogow in baaxadda daraasadaha khasabka ah ay kani ka duwanaan doonto haddii aad qaadato wax ka badan hal luqad A.
Valtakunnalliset valinnaiset opinnot väh. 20 op = Daraasadaha ikhtiyaariga ah ee qaranka: ugu yaraan 20 dhibcood
Ainekohtaiset valinnaiset ja temaattiset opinnot (6 op). = Mawduuca khaaska ah ee ikhtiyaariga ah iyo daraasadaha falanqaynta xogta tayada (6 dhibcood).
Paikallisia ja lukiokohtaisia valinnaisia opintoja = Waxbarashooyin ikhtiyaari ah oo maxalli ah iyo dugsiga gaar u ah
Lukiokohtaiset opintojaksot (valtakunnallisiin ja lukiokohtaisiin oppiaineisiin), lukiodiplomit (näihin valtakunnalliset sisällöt ja tavoitteet). = Qaybaha waxbarasho ee gaarka u ah dugsiga (maaddooyinka qaranka iyo kuwa dugsiga), shahaadooyinka waxbarashada guud ee dugsiga sare (oo ay ku jiraan nuxurka qaranka iyo ujeeddooyinka)
Yhteensä vähintään 150 op = Wadar ahaan, ugu yaraan 150 dhibcood
Valinnaisten opintojen määrä (150 - 94 = 56 tai 150 - 102 = 48), joka jakautuu valtakunnallisiin valinnaisiin (väh. 20 op) sekä paikallisiin ja lukiokohtaisiin valinnaisiin. = Tirada daraasadaha ikhtiyaariga ah (150-94 = 56 ama 150-102 = 48), taas oo loo qaybiyay daraasado ikhtiyaari ah oo heer qaran ah (ugu yaraan 20 dhibcood) iyo daraasado ikhtiyaari ah oo maxalli ah iyo dugsiga gaar u ah.
Bilawga waxbarashada guud ee dugsiga sare, waxa caawimo iyo taageero ka helaysaa la taliyaha haanuuninta ee dugsiga sare, baraha iyo macallinka ardayda. Inta waxbarashadu socoto, arday kasta waxa uu helayaa haanuunin waxbarasho, iyo ku caawinta doorashoyinka waxbarashada iyo fursadaha waxbarasho ee dugsiga sare ka dib.
Waxbarashada guud ee dugsiga sare waxay u socotaa bilawga ilaa qalin-jabinta si waafaqsan jaantuuska hoose (Jaantuska 2).
Dhabbaha ardayga dugsiga sare
Waxaad billaabaysaa waxbarashadaada dugsiga sare
Sannad-dugsiyeedka 2aad
Sannad-dugsiyeedka 3aad, yacni fasalka ugu dambeeya dugsiga sare
Sannad-dugsiyeedka 4aad
Waxaad noqonaysaa arday dugsi sare ka abxay
Waxaad billaabaysaa waxbarashadaada dugsiga sare
- Waxaad u kuurgalaysaa waxbarashada dugsiga sare
- Waxaad ka qaybqaadanaysaa kooxoobidda waxaadna indha-indhaynaysaa waaxyaha kale
- Waxaad inta badan ku baranaysaa waxbarashooyinka qasabka ah
- Fasaxa Kirismaska
- Waxaad codsan kartaa ku biirista maamulka guddiga ardayda ama waxqabadka hagista ardayda
- Inta lagu jiro sannadka 1aad waxaad samaynaysaa 60 cadad waxbarasho ah, taas oo ah habka lagu gaaro waxbarashada dugsiga sare ee 3:da sano ah.
- Fasaxa xagaaga
- Waxaad waxbarashooyin ku qaadan kartaa dugsiga sare ee xagaaga ama kan dadka waaweyn
2. Sannad-dugsiyeekda
- Waxaad inta badan ku baranaysaa waxbarashooyinka qasabka ah
- Fasaxa Kirismaska
- Qoob ka ciyaaridda qadiimiga ah
- Cadadda waxbarashooyinka la kala dooran karo ayaa kordhaya inta lagu jira sannadka 2aad
- Waxaad billaabi kartaa imtixaanka ardayga dugsiga sare waxaadna ka qaybqaadan kartaa qoritaanka imtixaanka
- Inta lagu jiro sannadka 2aad waxaad samaynaysaa 60 cadad waxbarasho ah
- Fasaxa xagaaga
Sannad 3aad, yacni fasalka ugu dambeeya dugsiga sare
- Waxaad ka qaybqaadan karaa qoritaanka imtixaanka ardaya dugsiga sare ee deyrta
- Waxaad maaddooyinka ardayga dugsiga sare xoogga ku saaraysaa waxbarashooyinka la kala dooran karo
- Fasaxa Kirismaska
- Waxaad dhammaysay cadadda waxbarashada dugsiga sare, yacni 150 cadad waxbarasho ah
- Waxbarashadaadu waxay dhammaanysaa xilliga 3aad kaddib waxaadna ka qaybgeleysaa damaashaadka ardayda ku jirta fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare
- Fasaxa wax akhrinta
- Waxaad ka qaybqaadanaysaa qoritaanka imtixaanaadka ardayga dugsiga sare ee guga
- Waxaad codsanaysaa waxbarashada sii-socota waxaadna ka qaybgeli kartaa imtixaanaadka gelitaanka
4. Sannad-dugsiyeedka
- Waxaad wax ku baranaysaa xilliga 1aad (qorshaha 3,5 sano ah) ama xilliga 1aad-3aad (qorshaha 4 sano ah)
- Waxaad ka qaybqaadanaysaa qoritaanka imtixaanaadka ardayga dugsiga sare ee deyrta
- Waxaad dhammaysay cadadda waxbarashada dugsiga sare, yacni 150 cadad waxbarasho ah
- Fasaxa Kirismaska
- Waxaad ka qaybqaadanaysaa qoritaanka imtixaanaadka ardayga dugsiga sare ee guga
- Waxaad codsanaysaa waxbarashada sii-socota waxaadna ka qaybgeli kartaa imtixaanaadka gelitaanka
Markaad dhameyso imtixaanka shahaadada, waxaad waxbarasho dheeraad ah xaq uga yeelaneysaa machadyada tacliinta sare. Imtixaanka shahaadada ah waxa uu ka kooban yahay imtixaano, qaarna waa qasab, qaarna waa ikhtiyaari. Maadooyinka qasabka ah waxaa ka mid ah afka hooyo iyo suugaanta (Luqadda Finnishka iyo suugaanta ama Finnishka oo ah luqad labaad iyo suugaan) iyo saddex ka mid ah kuwan soo socda: xisaabta, luqad ajnabi ah, luqadda labaad ee qaranka, iyo hal maado sida juquraafi ama taariikh iyo sayniska ah. Kuwaas waxaa dheer, hal maado oo kale oo la rabo inaad xulato. Waa in aad qaadatid ugu yaraan hal imtixaan manhaj sare (xisaab, luqad ajnabi ama luqadda labaad ee qaranka). Intaa waxaa dheer, waxaad geli kartaa imtixaano maaddooyin kale haddii aad rabto.
Imtixaanka shahaadada waxa lagu dhamayn karaa qaybo saddex xilli imtixaan oo isku xiga. Marka aad ka gudubto imtixaan, waxa aad dib u qaadan kartaa inta jeer ee aad rabto. Haddii aad ku guuldareysato imtixaan ikhtiyaari ah, waxaad sidoo kale dib u qaadan kartaa inta jeer ee aad rabto. Haddii aad ku dhacdo imtixaan looga baahan yahay imtixaanka shahaadada, waxaad dib u qaadan kartaa saddex jeer oo isku xigta.
Äidinkieli ja kirjallisuus = Afka hooyo iyo suugaanta
Matematiikka = Xisaabta
Toinen kotimainen kieli = Afka labaad ee qaranka
Vieras kieli = Af ajnabi ah
Reaaliaine = Maaddoyinka sida juquraafi ama taariikh iyo sayniska
Kaikkien suoritettava = Waa inay dhammaystiraan dhammaan ardayda
Vähintään kolmesta ryhmästä suoritettava vähintään neljä koetta. = Ugu yaraan afar imtixaan waa in laga soo dhameeyaa ugu yaraan saddex kooxood.
Yhden suoritetuista on oltava pitkän oppimäärän koe. = Mid ka mid ah imtixaanada la dhammeeyey waa inuu ahaadaa imtixaan manhaj sare.
Qorshaha ka qayb-galka imtixaanka shahaadada, maadooyinka la doortay iyo waqtiga imtixaanada waxa lagu samayn doonaa Wilma ka hor inta aan la diiwaan gelin imtixaanada. La taliyaha haanuuninta ee hagidda dugsiga sare ayaa bixin doona tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan samaynta qorshaha.
Hawlaha caalamiga ah waxay qayb ka mid yihiin waxbarashada dugsiga sare. Dugsiyada sare waxay leeyihiin dugsiyo lammaane iyo mataano la ah iyo sidoo kale waxbarashada isdhaafsiga. Dugsiyada waxaa u soo booqda marti dalal kala duwan ka yimid. Madaamada aad tahay Ardayga dugsiga sare, waxaad sidoo kale ka qayb qaadan kartaa dhacdooyinka caalamiga ah ee Finland iyo dibadda. Dugsiyada sare ee Espoo waxay kaloo qabanqaabiyaan waxqabadyo caalami ah oo ay ka helaan maalgelin dibadda ah, sida EU (Erasmus) iyo mashaariicda Hay'adda Waxbarashada Qaranka Finland. Caalamiyaynta guriga, oo macneheedu yahay caalamiyaynta bulshada deegaanka, waa qayb ka mid ah nolol maalmeedka dugsiyada sare ee Espoo.
Guud ahaan dugsiga sare, ardaydu waxay saamayn ku yeelan karaan arrimo badan oo khuseeya waxbarashada. Ardaydu waxay ka qayb qaadan karaan horumarinta dugsiga, tusaale ahaan, umeerinta ama hawlaha ururka ardayda.
Akoonka @espoonlukiot ee Instagram wuxuu bixiyaa macluumaad muhiim ah oo xiiso leh oo ku saabsan mawduucyada sida waxbarashada sare, dhacdooyinka iyo iskaashiga caalamiga ah. Intaa waxaa dheer, akoonku wuxuu ardayda siiyaa fursadaha ay saameyn u yeeshaan. Dugsi sare oo kasta wuxuu xitaa leeyahay akoon Instagram u gaar ah.
Haanuuninta iyo taageerada ardayga
Maamulaha
Shaqada macallin madaxa ama maamulaha dugsiga waa inuu hogaamiyo, haanuuniyo, kormeero shaqada wax barida iyo waxbarashada guud ahaan ee dugsiga sare. Maamuluhu wuxuu kaloo hubiyaa in hawlgallada si joogto ah loo qiimeeyo.
La taliyaha haanuuninta
La taliyaha haanuuninta waa khabiir ku takhasuusan haanuuninta. La taliyaha haanuuninta wuxuu caawiyaa oo talo siiyaa ardayda si ay u xushtaan koorsada iyo jadwalka. Waxay sidoo kale ka caawiyaan ardayda inay tixgeliyaan fursadaha kala duwan ee waxbarasho dheeraad ah. La taliyaha haanuuninta waxa uu horumariyaa xirfadaha ardayda si ay u qiimeeyaan waxa ay ku fiican yihiin.
Macallinka baahiyaha gaarka ah
Macallinka baahida gaarka ah ayaa diyaar u ah inuu ku caawiyo arrimaha la xiriira waxbarashada, haddii loo baahdo. Tusaale ahaan, macalinka baahida gaarka ah wuxuu baraa xirfadaha waxbarashada wuxuuna ku haanuuniyaa ardayda inay adeegsadaan awoodahooda xagga waxbarashada. Waxbarashada baahida gaarka ah iyo taageerada kale ee waxbarashada waxaa loogu talagalay in lagu suurtageliyo ardayda inay noqdaan kuwo isku awood u leh waxbarashada. Waa u muhiim ardayda in waxbarashadu tahay mid la heli karo oo qof walba heli karo. Waxa kale oo muhiim ah in laga hortago dhibaatooyinka waxbarashada iyo in la ogaado baahiyaha taageerada markii ay bilowdaan. Macallinka baahida gaarka ah wuxuu sameeyaa imtixaanno uu ku cabbirayo dhibaatooyinka waxbarashada. Waxay diyaariyaan bayaanada lagama maarmaanka u ah qaban-qaabada gaarka ah ee imtixaanka shahaadada.
Macallinka
Macallinka ayaa inta badan mas'uul ka ah haanuuninta wax ku oolka ah ee ardayda. Waa shaqada macallinka inuu hubiyo in ardayda kooxda ka mid ah ay ka qaybqaataan waxbarashada oo ay la qabsadaan. Macallinku wuxuu si joogto ah ula socdaa horumarka waxbarashada iyo maqnaanshaha ardayda. Haddii loo baahdo, macallinku wuxuu la xiriiraa ardayga iyo waalidkiisa. Macallinku wuxuu u gudbiyaa ardayga taageero haddii loo baahdo, wuxuuna u sheegaa ardayga cidda caawin karta. Intaa waxaa dheer, macalinku wuxuu ardayda ogeysiiyaa arrimaha hadda taagan ee la xiriira waxbarashada.
Shaqaalaha daryeelka ardayda
Daryeelka ardayda waxay taageertaa waxbarashada iyo ladnaanta ardayda. Daryeelka ardayda waxaa iska leh dhammaan ardayda.
Shaqaalaha bulshada ee dugsiga ayaa taageero fayoobida ardayda, dhiirigelinta waxbarashada, korriinka, madaxbannaanida iyo qorsheynta nolosha. Waxay kaloo taageero ka bixiyaan xaaladaha adag ee nolosha, sida saaxiibtinimada. Adeegaha bulshada ee dugsigu wuxuu bixiyaa talo ku saabsan kaalmada dhaqaale ee ardayga iyo manfacyada kale ee maaliyadeed.
Khabiirka cilmi-nafsiga dugsiga wuxuu kor u qaadaa wanaaga nafsiyeed iyo bulsho ee ardayda, tusaale ahaan, haddii qofka dhalinyarada ah uu welwelsan yahay ama uu u baahan yahay in lagu taageero arrimaha la xiriira walaaca ama kacsanaanta. Khabiirka cilmi-nafsiga wuxuu kale ardayga ku caawiyaa xaaladaha adag ee nolosha.
Kalkaalisada caafimaad ee dugsiga waxay ka caawisaa ardayda inay fahmaan muhiimada qaab nololeedka caafimaad ee waxbarashadooda iyo maaraynta noloshooda. Ardaydu waxay ballan la samaysan karaan kalkaalisada caafimaad ee dugsiga si ay u sameyaan baaritaan caafimaad, tallaal ama la-talinta caafimaadka galmada, tusaale ahaan.
Daryeelidda ladnaanta waxay ardayda ku taageertaa waxbarashada. Waxaa muhiim ah in ardaydu dareemaan in jaaliyadda dugsiga laga aqbalayo sida ay yihiin - iyadoon loo eegayn lab iyo dheddig, luqaddooda ama asalka dhaqankooda. Ladnaanta sidoo kale waxaa ka mid ah daryeelida shaqeynta jirka, maskaxda iyo awoodda bulsho. Guud ahaan dugsiyada sare, ladnaanta ardayda waxaa lagu taageeraa, tusaale ahaan, qaban-qaabinta toddobaadka ladnaanta ee sannad kasta. Toddobaadka dhexdiisa, waxa diiradda la saarayaa mawduucyada taageera ladnaanta. Intaa waxaa dheer, xaflado kala duwan, dalxiisyo iyo ciyaaraha ayaa la abaabulaa inta lagu jiro sannad dugsiyeedka.

Espoon lukiot = Dugsiyada sare ee guud ee Espoo
Tukitoimet kun opinnot eivät etene riittävästi = Tallaabooyinka taageerada marka waxbarashadu aanay si ku filan u horumarin
Jos opinnot eivät etene: = Haddii waxbarashadu aysan horumarin:
» kolmen vuoden opintosuunnitelmassa opiskelijan täytyy suorittaa 10-12 opintopistettä/periodi = » Qorshaha waxbarasho ee saddexda sano ah, ardaygu waa inuu buuxiyaa 10-12 dhibcood/muddadiiba.
» neljän vuoden opintosuunnitelmassa opiskelijan täytyy suorittaa 8-10 opintopistettä/periodi = » Qorshaha waxbarasho ee afarta sano ah, ardaygu waa inuu buuxiyaa 8-10 dhibcood/muddadiiba.
» poissaoloja ja keskeytyneitä opintojaksoja on paljon eikä opiskelija pysy opintosuunnitelmassaan = » Markii ay jiraan maqnaansho badan iyo koorsooyin kala go'o iyo markii ardaygu uusan raacin qorshaha waxbarashada.
1. porras = Tallaabada 1aad
-> Ryhmänohjaaja keskustelee tilanteesta opiskelijan, huoltajan, opinto-ohjaajan, aineenopettajien ja rehtorin kanssa. = -> Macallinku wuxuu xaaladda kala hadlayaa ardayga, waalidka ama mas'uulka, la taliyaha haanuuninta, macalimiinta maadooyinka dhiga iyo maamulaha dugsiga.
-> Lukion tukea arvioidaan periodin lopuksi, kun arvosanat on annettu. = -> Taageerada dugsiga ayaa la qiimayn doonaa dhammaadka muddada, marka darajooyinka la bixiyo.
2. porras = Tallaabada 2aad
-> Järjestetään huoltajatapaaminen ja/tai moniammatillinen tapaaminen. = -> Diyaarinta kulan lala yeesho waalidka ama mas'uulka iyo/ama kulan xirfado badan leh.
-> Lukion tukitoimia arvioidaan periodin lopuksi, kun arvosanat on annettu. = -> Tallaabooyinka taageerada dugsiga ayaa la qiimayn doonaa dhammaadka muddada, marka darajooyinka la bixiyo.
-> Järjestetään seuranta-tapaaminen. = -> Qaban-qaabinta kullan kale ee ku xiga.
3. porras = Tallaabada 3aad
-> Jos tukitoimet ja muu apu eivät ole ratkaisseet tilannetta, harkitaan oppivelvollisuuden määräaikaista keskeyttämistä. = -> Haddii tallaabooyinka taageerada iyo gargaarka kale aysan xalin xaaladda, waxaa la tixgelin doonaa hakin ku meel gaar ah ee waxbarashada khasabka ah.
Tai = Ama
-> Jos oppivelvollista ei tavoiteta tai suorituksia ei kerry tukitoimista huolimatta, koulutuksen järjestäjä katsoo hänet eronneeksi. = -> Haddii ardayga aan lala xiriir karin ama waxbarashadu aysan horumarin xittaa inkastoo la sameeyay tallaabooyinka taageerada, bixiyaha waxbarashadu wuxuu u arkaa ardayga inuu ka tagay dugsiga.
Wada-shaqaynta dugsiga iyo guriga
Guud ahaan dugsiga sare, waxbarashadu waa muhiim. Ardeydu waxay u baahan karaan in waalidiinta ama mas'uuliyiintooda ku taageeraan arrimaha la xiriira waxbarashada. Taageerada ugu muhiimsan ay waalidiinta siin karaan waa muujinta xiisaha ay u qabaan imaanshaha dugsiga iyo arrimaha khuseeya dugsiga ardayda. Marka waalidku ama mas'uulka uu leeyahay dabeecad wanaagsan oo dhiirigelin leh xagga dugsiga, ardaygu waxay u badan tahay inuu ku raaxaysto dugsiga. Dhallinyarada ku raaxaysta dugsiga oo dareemaya fiicnaan sidoo kale si fiican ayay wax u bartaan.
Qaar badan oo ka mid ah alaabta wax lagu barto ee dugsiga sare waa elektaroonig, sidaa awgeeda waalidku ama qofka mas'uul ka ah waxay arki karaan oo keliya haddii ardaygu furo kumbuyuutarka oo uu tuso. Waxyaalaha lagu dhigo dugsiga sare ayaa badanaa ah kuwo adag, waxaana laga yaabaa in waxbarashada iyo wax barashadu ay ahaato mid dhib ah. Xaaladdan oo kale, waalidka ama mas'uulku waa inuu ku dhiirigeliyaa ardayga inuu caawimaad ka raadsado qaab-dhismeedka taageerada ee dugsigu: naadiyada shaqada-guriga ama aqoon-is-weydaarsiyada, macallimiinta iyo ardayda kale. Wax u muuqda in ay adag tahay in la barto ayaa badanaa noqda mid sahlan (ama ka sahlan) markaad waqti ku filan ku qaadato.
Marka ardayda dugsiga sare buuxiyaan 18 sano, waxay iyaga laftoodu go'aansan karaan waxa ay waalidiintooda ka ogaanayaan waxbarashadooda. Waa muhiim in dhallinyaradu awood u yeeshaan inay go'aan ka gaaraan arrimahooda. Ayagoo ka hadlaya iyo muujinaya xiiso wanaagsan, waalidiinta waxay ka caawin karaan ardayda xaaladaha ay ugu baahan yihiin taageero.
Hadafka koowaad ee shirarka waalidiintu waa in la taageero koritaanka iyo waxbarashada dhalinyarada. Kulamada waalidiinta, waalidiinta waxay helayaan fursad wanaagsan oo ay isku bartaan midba midka kale iyo bartaan macallimiinta iyo shaqaalaha kale. Kulamada waalidiinta waxay bixiyaan macluumaad ku saabsan arrimaha la xiriira korriinka, horumarka iyo waxbarashada dhalinyarada. Waalidiinta iyo mas'uuliyiinta sidoo kale waxay kala hadli karaan la taliyaha haanuuninta arrimaha ku saabsan waxbarashada guud ee dugsiga sare. Macallimiinta dhaqameed ayaa sidoo kale jooga si ay u taageeraan is-dhexgalka dugsiga iyo guriga, kaasoo lagu samayn karo luqadda Finnish'ka iyo, haddii ay suurtagal tahay, luqadda hooyo ee ardayga.
Dugsiga sare wuxuu ku dhiirigeliyaa waalidiinta iyo mas'uuliyiinta inay si joogto ah uga qayb-qaataan doodaha la xiriira haanuuninta dhallinyarada, taageerada, xaadiritaanka dugsiga ama waxbarashada. Wadahadaladu waxay muhiim u yihiin dhammaan waalidiinta/mas'uuliyiinta, oo ay ku jiraan kuwa carruurtoodu aysan la kulmin caqabado gaar ah dugsiga.
Kulanka waalidiinta, waxaan si wadajir ah uga wada hadalnaa sidii welwelka loo yarayn karo iyo dhibaatooyinka loo xallin karo. Natiijooyinka gaarka ah ee dugsiga ee sahanka caafimaadka dugsiga, iyo sidoo kale sahanno kala duwan oo la xiriira ladnaanta ama cagajuglaynta, ayaa sidoo kale saldhig wanaagsan u ah dood wadaag.
Shabaakadda internetka ee Wilma waa qalab is-gaarsiineed oo muhiim ah oo ka dhexeeya guriga iyo dugsiga ee dhammaan dugsiyada sare ee Espoo. Iyadoo loo marayo Wilma, waalidiinta/mas'uuliyiintu waxay la socon karaan waxbarashada iyo darajooyiinka ubadkooda da'doodu ka yar tahay 18 jir, waxay ka eegi karaan oo sharxi karaan maqnaanshaha ardayda, akhrin karaan wargelinta dugsiga iyo waxay la xiriiri karaan macallimiinta. Waa fikrad wanaagsan in la raaco Wilma maalin kasta. Waalidiinta/mas'uuliyiinta ayaa lumin doona gelitaanka Wilma marka ardaygu gaaro 18 jir, aysan ka ahayn haddii ardaygu shakhsi ahaan u siin waalidiinta/mas'uuliyiinta ogolaanshaha inay raacaan Wilma. Ogolaanshahan waxa lagu bixin karaa foom laga heli karo Wilma.
opintopolku.fi/konfo/fi/sivu/lukiokoulutus(ulkoinen linkki, avautuu uuteen ikkunaan)
espoo.fi/fi/kasvatus-ja-opetus/lukiokoulutus/lukio-opintojen-eteneminen
https://www.espoo.fi/fi/kasvatus-ja-opetus/wilma
https://www.espoo.fi/fi/artikkelit/olen-oppivelvollisuusikainen-mutta-minulla-ei-ole-opiskelupaikkaa


