Somaliksi: Mashruuca Ohjauksella onnistumisiin ee dugsiyada sare ee Espoo

  • Opetus
11.10.2022 8.03
Neljä henkilöä katselee karttapalloa innoissaan.
Kuva: Taru Turpeinen

Dugsiyada sare ee Espoo waxay sameyn doonaan la-talin waxbarasho oo si gaar ah loogu talagalay dadka da'aha yar ee kamidka ah dadka soogalootig, inta lagu jiro sanad dugsiyeedka 2022–2023, ayadoo la adeegsanaayo mashruuca Ohjauksella onnistumisiin (Guusha lagu gaaro waxbarashada) ee laga daah furay magalaada. Mashruucu wuxuu kamid yahay 38 mashruuc ee ay maalgeliso Hay'ada Waxbarashada Qaranka ee Finnish (Finnish National Agency for Education, EDUFI) oo qayb k ah barnaamijka fududeynta adeegyada iyo tayada caalamiga ah ee waxbarashada dugsig sare. Ujeedadu waa in dhammaan ardaydu helaan fursado loo siman yahay si ay ugu guuleystaan waxbarashada iyo nolasha.

Tusaalayasha hawlaha la qabanaayo inta lagu jiro sand mshruuceedka (2022–2023) waxaa kamid ah

  • tijaabada waxbarashada dhaqanka ee ah habka waxbarashada guud ee dugsiyada sare ee Espoo-level
  • muujinta dariiqa guusha ee ardayda oo leh taageero aad muhiim u ah iyo qodobo hagitaan
  • tababar siinta shaqaalaha waxbarida iyo waxbarashada si ay tixgelin ugu sameeyaan xogta iyo taageerada ay u baahan yihiin ardayda ku hadla luuqadaha shisheeye iyo ardayda kasoo jeeda qoys soogalooti ah iyo qoyskooda.

 

Sababta ka danbeysta mashruuca Ohjauksella onnistumisiin

  • Tiro badan oo kamid ah dadka kusoo badanaaya Espoo waxay ku hadlaaan luuqo shisheeye ama waxay kasoo jeedaan qoys soogalooti ah. Dhamaaadkii bishii Juun 2022, tiro kamid ah dadka ku hadla luuqadaha shisheeye (Trimble Locus, Dadwaynaha) waxay tiradoodu ahayd 62,620, oo qiyaas ahaan ah boqolkiib 21 kamid ah dadka guud. Marka la eego kobaca bulshada waxay kor u kaceen in dhan boqolkiib 71 int u dhaxeysay Janaayo iyo Juun.
  • Qiyaas ahaan 22% kamid ah ardayda wax ku barta Espoo waxay ku hadlaan luuqad aan ahayn Finnish, Swedish ama Sami oo ah luuqad ay u dhasheen. Ardayda ku hadasha luuqadaha shisheeke waxay ka yihiin dugsiyada sare 11% iyo 30% oo ah ardayda barta xirfadaha. Espoo waxay waxbarashada ku bixisaa 39 luuqadood oo kaladuwan iyo lix nooc oo kaladuwan oo ah waxbarashada anshaxa. Dugsiyada sare waxay luuqada hooyo ku bixiyaan waxbarashada todobo luuqadood oo kaladuwan.
  • Soo jiidashada iyo natiijooyinka waxbarashada dugsig sare ee guud ee Espoo ayaa ah kuwa ugu sareeya Finland. Boqolkiiba ardayda dugsiyada balaaran ee Espoo ee ka qalanjabinaysa waxbarashada dugsiga sare oo ah dookhooda koowad waa 75.6% (celceliska guud wuxuu ahaa 57%) sanadkii 2021.
  • Espoo waxay kor u qaaday baahida loo qabo in si cad loo abuuro dariiqyo waxbarasho oo si gaar ah loogu talagalay carruurta iyo dadka yaryar ee kasoo jeeda qoysaska soogalootiga ah iyo marxaladaha kalaguurka ee waxbarashadooda. Waxbarashada dhaqanka ee dugsiyada sare waxay yareysaa saameynta arrimaha bulshada iyo kala soocista waxbarashada iyo dookhyada nolasha shaqada.
  • Sheekada Espooo, Magaalo Istaaraatiijiyeedk, waxay awooda saartaa arrimaha dhaqanka bulshada iyo dadka kunool waxayna rajeyneysaa inay dhammaan dadka reer Espoo siiso fursado guul oo loo siman yahay si ay ugu guuleystaan nolal, waxbarasho iyo shaqo kasta.  Mid kamid ah todobada ujeedo ee Sheekada Espoo ee muddada gollaha 2021–2025 waa in Espoo noqoto magaalada ugu wanaagsan Finland marka ay timaado isdhexglka bulshada.
    Barnaamijka isdhexgalka Espoo 2022–2025 (ee Finnish)(ulkoinen linkki)

Macalimiinta dhaqanka ee dugsiyada sare ee Espoo ee sanad dugsiyeedka 2022–2023

Macalimiinta dhaqanka ee koowaad waxay shaqadooda ka bilaabeen Dugsiyada sare Magaalada Espoo ee ku baxa luuqada Finnish-ka bilooowgii sanad dugsiyeedka 2022–2023. Mashruuca Ohjauksella onnistumisiin waxaa kujira abuurista waxbarashada dhaqanka oo ah habka ardayda wax lagu baro iyo tababarada guud ee dugsiyada sare ee Espoo-level. Habka waxbarashada dhaqanka waxa hadda lagu isticmaalaa waxbarashada aasaasiga ah Espoo.

Macalimiinta dhaqanka waxay ka shaqeeyaan sidii ay dhammaan ardayda dugsiyda sare u siin lahayeen fursado loo siman yahay si ay ugu guuleystaan nolashood iyo wxabarashdood. Macalimiintu waxay tageeraan isdhexgalka iyo ka qaybgalka ardayda iyo masuuliyiintooda ay isdhexgalayaan bulshada Finnish. Macalimiinta dhaqanka waxay taageeraan ardayda, masuuliyiinta iyo shaqaalaha dugsiga waxayna ka taageeraan nolasha maaalinlaha ah, waxayn luuqadooda hooyo kula hadlaan dadka yaryar iyo qoysaskooda.

Tusaalayaasha marka macaliinta ay kor u qaadi karaan ayna fududeyn karaan hawlaha dhaqanda isku dhafka ah iyo dhaqanada badan waxaa kamid ah

  • waxay u shaqeeyaan oo ay bixiyaan tageero iyo turjumaan inta lagu jiro kulanada ay qaybta ka yihiin  ardayda kasoo jeeda qoysaska soogalootiga ah, masuuliyiintooda iyo shaqaalaha dugsiga.
  • waxay u dhaqmaan, marka la codsado, taageero ahaan casharrada gaarka ah ama imaanshaha dugsiga xaaladaha ay arday asal ahaan ka soo jeedaan qoys soogalooti ah uu maqnaansho badan leeyahay, lana qiimeeyo sii wadashada waxbarashadooda dugsiga sare.
  • ka qaybgalka, kadib marka laga codsado, mararka ay kordhin karaan aqoonta waxbarashada dhaqanka macaliinta iyo fahanka xaalada ardayda.
  • waxay ardayda kala hadlaan ciladaha la xariira dugsigooda ayagoo kula hadla luuqadooda hooyo.

Macalimiinta dhaqanka waxay ardayda iyo masuuliyiintooda siiyan talo iyo taageero gaar ah waxayna fududeeyaan wada shaqeynta guriga iyo dugsiga ayagoo ku hadlaaya Finnish, Ruush, Carabi, Soomaali, Shiinees, Ingiriis iyo Faransiis.  

 

Xog xiriirka Macalimiinta Dhaqanka Espoo ee Luuqada finnish-ka ku bixaya waxbarashada dugsiyda sare.

Donya Hajali (Arabic)
Teleefoonka 040 6366 297
donya.hajali@espoo.fi

Elena Junnila (Ruush)
Teleefoonka 040 6366 462
elena.junnila@espoo.fi

Hamse Mohamed (Soomaali)
Teleefoonka 040 6366 298
hamse.mohamedmuktar@espoo.fi

Shan Zhu (Shiineeska Mandarin, Faransiis, Ingiriis)
Teleefoonka 040 6366 287
shan.zhu@espoo.fi

 

Xogta Xiriirka, mashruuca Ohjauksella onnistumisiin

Jaakko Turpeinen, Maamulaha Mashruuca
jaakko.turpeinen@espoo.fi
Teleefoonka 046 877 3903

Kerttuli Punkari, Iskuduwanaha Mashruuca
kerttuli.punkari@espoo.fi
Teleefoonka 040 6364 876

Waxbarashada sare ee luuqada Finnish iyo adeegyad dhallinta ee loogu talagalay waxbarashada sare
P.O. Box 37, 02070 CITY OF ESPOO
Ciwaaanka wadada: Karaportti 1, 3rd floor

LIFAAQ laga helaayo xog guud oo dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada dugsiga sare ee Espoo:
https://www.espoo.fi/fi/lukiot

 

Kooxda Hogaamisa Mashruuc 2022–2023

Jaakko Turpeinen, Maamulaha Mashruuca 
Susan Tuulosniemi, Qorsheeye 
Maija Metsola, Qorsheeye 
Maija Ruoho, Khabiirka Xiriirka
Kerttuli Punkari, Iskuduwaha Mashruuca
Antti Humalamäki, La-taliyaha, dugsiga sare ee Otaniemen lukio 
Sini Kiviluoto, La-taliyaha, dugsiga sare ee Kaitaan lukio
Salla Purho, La-taliyaha, dugsiga sare ee Viherlaakson lukio

  • Lukiokoulutus
  • Kasvatus ja opetus