Safe Espoo -podcast: Xilliga karoonaha lagu dhexjiro qof kasta waa in uu mas'uuliyad isa saaraa

  • Turvallisuus
27.11.2020 9.50Päivitetty: 4.8.2021 8.59

Safe Espoo-podcastissa luomme käsitystä siitä, mitä kaikkea turvallisuus on yksilön arjessa. Lisäksi nostamme esille, kuinka jokainen voi vaikuttaa omaan ja läheistensä turvallisuuteen sekä mikä on kansalaisen oma vastuu erilaisissa kriisitilanteissa.

Meistä jokainen voi vaikuttaa omalla toiminnallaan siihen, kuinka nopeasti pääsemme koronasta eroon ja miten syvät vaikutukset tämä aika jättää esimerkiksi ihmisten omaan ja yhteiskunnan talouteen.

Aiheesta keskustelevat somalin kielellä Espoon kaupungin maahanmuuttoasioiden erityisasiantuntija Said Aden, imaami Abdirisak Sugullen ja Espoon kaupungin tartuntatautiyksikön palveluvastaava Khadra Sugullen. Tämä jakso on suunnattu erityisesti somalinkielisille espoolaisille.

Voit kuunnella jakson SoundCloudissa (ulkoinen linkki, avautuu uuteen ikkunaan)tai Spotifyssa(ulkoinen linkki, avautuu uuteen ikkunaan). Jakson pituus on noin 27 minuuttia.

Aihetta on käsitelty suomeksi jaksossa "Safe Espoo: Koronan vaikutukset – kenen vastuulla?"

***

Qof kasta oo naga mid ah habdhaqankiisa ayuu kaalin kaga qaadan karaa, qaabkii aan si dhakhso leh uga gudbi lahayn arrinka cudurkaan safmarka korona iyo waliba dhibaatada dhaqaale ee qotada dheer ee uu ku yeeshay tusaale ahaan dhaqaalaha bulshada iyo kan qof walba u gaarka ah.

Waxaa mowduuca barnaamijkaan ka wada doodaya Said Aden oo ah khabiir ka tirsan qaybta arrimaha ajaanibta ee magaalada Espoo, imaam Abdirazak Sugulle Mohamed iyo Madaxa adeegyada ee waaxda ka hortagga cudurrada faafa ee Magaalada Espoo Khadra Abdirazak Sugulle. Qaybtaan waxaa loogu talaggalay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Espoo.

SoundCloud(ulkoinen linkki, avautuu uuteen ikkunaan)
Spotify(ulkoinen linkki, avautuu uuteen ikkunaan)

Waxaana mowduucaan lagu falanqeeyay barnaamijka la yiraahdo "Safe Espoo: Koronan vaikutukset – kenen vastuulla?"

Tekstivastine

Jukka Mäkelä: Hyvää päivää kaikille somalinkielisille espoolaisille. Maalin wanaagsan reer Espoo. Nyt tarvitaan meitä kaikkia taisteluun koronaa vastaan. Oman vastuun kantaminen on tärkeää ja helppoa. Pese kädet. Käytä maskia. Pidä kahden metrin turvaväliä kaikkiin muihin kuin oman perheesi jäseniin. Älä kokoonnu isoissa joukoissa. Älä liiku kodin ulkopuolella, jos sinulla on pieniäkin flussan oireita tai olet altistunut koronalle. Turvallista talvea kaikille. Mahadsanidin. Kiitos.

Said Aden: Assalaamu Calaykum Waa Raxmatullahi Tacaala Waa Barakaatu. Dhegestayaalka sharafta leh waxaad ku soo dhawaataan barnaamajkaan la magacbaxey Badbaadi Espoo. Espo waxay u aragtaa in doorka maamulka magaaladu yahay in la adkeeyo wadajirka bulshada, waayo wadajirka wuxuu kordhinayaa maamulka iyo bulshada reer Espoo inay dareemaan badqab caafimaad iyo mid amni intaba. Barnaamkaan lagu magac darey Safe Espoo ama Badbaadi Espoo waxaa lagu soo qataa dhammaan waxyaalaha taabanaya nolol maalmeedkeena iyo badqabka bulshadeena. Hadda waxaan diyaarinaynaa barnaamijkii ugu horeeyay ee ku baxaaya luqad aan ahayn af Finnish. Aad ayaan ugu faxasannahay in af Soomaaliga noqday luqada ugu horreysay uu ku soo baxo barnaamajkaan badqabka Espoo ama badbaadi Espoo. Sanadkaan bulshada reer Espoo iyo Finlandba waxaa soo wajahay culaysyo iyo caqabado walwal ku abuurey badqabkooda iyo caafimaadkooda, waxaana u sabab ah Korona fayrus. Tusaale waxaa la xaddiday dhaq-dhaqaaqoodi kaaso ah arrin aan Finland ka dhicin toddobaatanka sano ee ugu dambeysay. Sidoo kale waxaa la galay xaalad aan caadi ahayn, xaaladda aan caadiga ahaynna hadda waxay isku beddeshay caadi, maadaama ay arrinta weli taagan tahay, mana muuqato in xaaladdaan laga baxaayo dhowaan. Arrintaan waxay abuurtay dareemo kala duwan iyo dood bulshada dhexdeeda, dhanka kale raja fiican ayaa jirta, balse waxay ku xiran tahay hadda sida qof kasto oo bulshada ka mid ah uu dhaqmo ama xil isu saaro sidii aan fayruska korona uga adkaanno. Waayo wuxuu saamayn ku yeeshay caafimaadka bulshada iyo dhaqaalaha intaba. Arrimahaas oo dhan ayaan waxaan kala sheekaysan doonaa Imaam Abdirisak Sugulle. Imaam Abdirisak Sugulle oo ah wariye, mowduucaan wax badan barnaamajyo ka sameeya oo sii joogta ah uga hadlo wacyegelinta barnaamajkaan la xiriirta. Waxaa kale marti igu ah barnaamijkaan Safe Espoo ama badqabka Espoo ku ah Khadra Sugulle oo ka socota magaalada Espoo oo ah madaxa waaxda cudurada faafa. Dabcan waxaa laga yaabaa dhegeystayaalku inay is weydiiyaan Khadra Sugulle iyo Abdirisak Sugulle maxaa iskugu keenay. Waxaa weeye oo laga hadlayaa waa arrimo oo xirfad iyo profishan iyo aqoon la xiriira. Sidaas awgeeda Khadra waxay ka socota waaxda cudurada faafa, Abdirisakna waa imaam oo wariye ah ee ka socda Soomaali media.

3:59

Abdirisak Sugulle: [unclear]

S. Aden: Sidaas awgeeda ayaan ugu martiqaaadney barnaamajkaan. Aad ayaad runti ugu faraxsanahay inay nagala soo qayb-galaan arrimahaan. Si markaa  caafimaad badqabka loo ilaaliyo waxaa weeye ayaan kullanka ku qabaneynaa qolka ugu wayn ee qololka shirka lagu qabto ee Espoo, magaalada Espoo, sidoo kale sida aan u farisaneyno kuraasta aan ku fadhinno, qaabka aan u dhaqmeyno wuxuu ka turjimayaa inaan dhowrayno nidaamkii kala fogaashihii la xiriirtay iyo inaan u hoggansanay hagidda  hay’adaha dowladda ay soo saareen. Marka aniguna Said Aden ayaan ahay, waxaan ahay qabiir arrimaha bulshada ama xeel-dheere arrimaha bulshada magaalada Espoo ayaan u shaqeeyaa, marka soo dhawaada Abdirisak iyo  Khadra.

5:07

A. Sugulle: Waad mahadsan tahay Said

Khadra Sugulle: Waad mahadsan tahay.

S. Aden: OK, su’aalaheena ayaan u galeynaa marka. Macluumaadka la xiriiraa korona meelo badan ayuu ka imaanaaya sida telefishinada, media oo kale iyo bogaga  internetka ee ay isticmaalaan ha’yadaha dowliga ah oo ku qoran badankooda luqada Finnishka. Waxaa kale oo jira macluumaadyo farabadan oo luqado kala duwan lagu turjumay sida af Soomaaliga oo kale, sidaaso ay tahay haddana dadkeena qaarkii way ku adag tahay inay raacaan hagidda iyo tilmaamaha la soo saaro, sababta ay muhiim u tahay in la raaco tilmaamaha waa maxay Abdirisak?

A. Sugulle: Waad mahadsan tahay marka horey Said, si guud waxaa mahad iska leh degmada Espoo oo barnaamajkaan bilowday, taa kadibna waxaan kaa mahad-celinaynaa in Said Aden oo isagu xeel-dheer ka tirsan degmada Espoo ah oo ka shaqeeya arrinkaan, runtii waa farxad iyo wanaag in luqaddeena Soomaaliyeed degmada Espoo maanta dadka laga wacyigeliyo. Haddaan u soo deg-dego muhiimka ay leedahay in la raaco waxay tahay, waa is-weydiin ma lahan oo hadda waxaa lagu kala badbaadayaa. Badbaadidi hadda Espoo waxay ku xiran tahay marka aan aniga raaco, adiga raacdid, qof kasta u raaco nidaamka naloo dejiyay in markaas badbaadidi ay imaanayso, marka waxaa is leeyahay middaas ayaa aad u muhiimsan. Tan kale oo ah dadkeena maxaa ku dhacey, waxaan is leeyahay dadkeean dhibaato kale ma hayso oo inta badan way isku dayaan inay raacaan, laakiin hal mushkilo ayaa ina haysato oo ma nihin dad wax aqriya oo waxaan nahay dabeecad ahaan iyo dhaqan ahaan dad u bartey inay wax dhegeystaan ee BBC iyo waad ogayd sidii waddanka looga dhegaysan jiray, Voice of America iyo middas waa midda aniga igu kalliftay inaan markii dambe bilaabey barnaamajkaan habeen walba aan diyaariyo oo ah inaan war ahaan uga dhigo waxyaabihi muhiimsanaa ee maalintaas dhacey. Markaa waxaan is leeyahay dhibaatadu waa intaas kaliya mooyaane runtii dadkaynu waa dad wax maqlaayaa, wax qaadanaaya haddii wax loo sheego, laakiin nidaamkii ayaa xoogaa weli la isla fahmi la’ yahay.

S. Aden: Khadra

K. Sugulle:Waa sida haddertaan Aabe sheegay, maadaama macluumaadka aad iyo aad u badan yihiin oo meel walba kaaga imaanaayo markaa waxaa kugu dhibaato noqonaysaa inaad hal meel ka qaadatid. Sidaa awgeeda waxaa aad iyo aad u wanaagsan oo fiican in hal meel ay dadka ka helaan sida ugu fududaato ummadda markii macluumaad loo soo dhigo inay aqriyaan oo ay ku dhaqmaan, saas ayaan is leeyahay aniga. 

S. Aden: Ok mahadsanidiin waxaan u gudbaynaa su’aasha ku xigta. Maxay ay yihiin tilmaamaha ugu muhiimsan ee hadda ka jira Espoo oo ah in la raaco. Khadra adiga ayaan kugu bilaabayaa maadaama aad ka shaqeysid waaxda dabagalka cudurada faafa.

K. Sugulle: Hadda aad iyo aad waxaa u muhiimsan Jimcihii hadda la soo dhaafey waatan go’aamo cusub la gaarey maadaama Espoo, Vanta iyo Helsinki aad iyo aad xaaladdoodu u xumaatey, markaa go’aamada la soo gaarey waxaa ka mid ah in labaatan qof meel kuma kulmi karaan, meel private ah ama xaflad ha noqato ama tacsi ha noqato ama meel la isku wada kulmaayo. Kuulamo ka baxsan iskuuladi shaqadii iyo wixii qasabka ahaa ee nolol-maalmeedka aad iyo aad lagaaga baahnayn inaad sameysid. Wixii nolol-maalmeedka ah ka baxsan inaad ka taxadartid dadka aad la kulmaysid, caafimaadka haddii aad astaamo isku aragtid, astaamahaas inaad isla markiibaa aad la xiriirtid waaxda caafimaadka, telefoon ahaan la xiriirtid oo baaritaanka koronaha (testiga) aad aadid. Waxaan u maleynayaa dowrkaas macluumaad hadda soo baxey ee ugu dambeeyay aad iyo aad ula socotid muhiimaddeeda, lagama dhawaajin kara in hawlahaas lagu cel-celiyo intaa.  

S. Aden: Abdirisak maxaad ku dareysaa?

A.Sugulle: Waa intaas waaye, wax kale oo hadda dheeraad ah, midda ugu daraan waa kullanka dadka dhaxdooda, yacni in aad layska yereeyo. Waxaa kale oo anigu ku dari lahaa in dadka waa-weyn la ilaaliyo, ayeeyoyinkii iyo awoowalka iyo dadka ma aragtey u nugul halista cudurada u nugul, dadkaasi aad loo taxaadaro oo aan socodka lagu badin iyaga laftigooda ay hadalka maqlaan oo ay mel fadhiistaan waa muhiim maxaa yeelay xaaladda hadda meel adag ayey mareysaa, maanta hadda wararka uu dambeeyay waxay sheegayaan in laga yaaboo in dib lagu noqdo bandowgii gu’gii la soo dhaafey oo kale. Isbitaalada, isbitaalka Helsinki jaamacadda waxaa la geliyey heegan, marka waad garan kartaa waddanka oo dhan inuu kacsan yahay, markaa waxaan is leeyahay waxaa ugu muhiimsan waa arrinkaas la ilaaliyo.

9:29

S. Aden: Aad ayaad u mahadsan tihiin waxaan u gudbaynaa marka Khadra waxaad ka dhawaajisay baaritaanada Korona, marka saamayn intee la eg ayeey yeelan kartaa haddii ay dhacdo in laga baqsado baaritaanka korona ama (testiga) ayadoo laga fikaraayo in astaamada qafiif yihiin. Hargab iyo wax la mid ah caadi qofku u arko, ka warran haddii qofka la kulmo dad kale asagoo jirran, ka warran haddii u maleynaayo inuu xirashada af shareerka asaga khuseynin, maxaa yeelay qofkaas oo aan lahayn astaamaha koronaha, ii sheeg  maxaa inuu sameeyo ah.

K. Sugulle: Haddertaan sida aan aragney, astaamaha waa aad iyo aad ayeey u fudud yihiin, dhallinyartana aad iyo aad ugu dhacdaa, maadaama ay astaamo badan isku arkin, waxaa macquul ah in qofka uu yiraahdo dhuunta baa ii yara xanuunaysa ma aadaayo testiga. Laakiin haddertaan sidii uu markii dhowayd aabe ka dhowaajiyay haddii adigoo yareysaneysid in astaamo badan aysan kugu imaanin aad is leedahay uma baahno inaan testiga aado, waxaa dhici karta qof ay dhaawac wayn u tahay inaad la kullanto, qofkaasna hadhootoole Ilaahi naguma keeno, laakin waxaa dhici karta in qofkaas in hadhooti sabab u noqoto in qofkii xanuun sa’iid ah gaaro uu dhinto qofkaasi ama dhakhtar la galo hadhooti daawadiisa wixiisa dhan waa in laga fikiro. Dhallinyarta hadderto aan aragnay waxaa weeye dad xoog leh oo caafimaad qaba laakiin maanta haddii adigoo wax yaro qufacdid qof xanuunka aad iyo aad halis u tahay aadna la kullantid waa sidaan haddertaan dhahay ayaa isbitaal qofka kaleba ah hadhootina ka soo noqod lahayn. Markaas sidaa awgeed waxaa aad iyo aad u muhiimsan qofka wax yar haddii uu isku arko ha noqotaba sanka inuu yara cuncuno oo ugu fududdahay inuu isla markiiba testiga aado sida uuga hortago in uusan xanuunka uusan faafin ama dad badan uusan la kulmin oo hadhootole karantiil loo galinin oo loo fadhiisinin umaddii oo dhan.

11:30

A. Sugulle: Dhinaca kalena waxaan ku dari lahaa, tan laga carrarayo waa ku tiro kuteen iyo wax aan jirin, matalan isbitaalkaan laygu dilaayaa iyo hadda uu qofka isbitaalka tago kama soo noqdo iyo waxyaabahaan noocaas oo kale ah oo iska kutiro kuteenka ah horta in la iska ilaabo ayaa fiican, waddan waxaan joognaa oo nidaam leh, waxaan jognaa waddan qofka wuxuu u dhinto xittaa la ogaanaayo, haddii u kani ku dhinto xittaa isbitaal dhaxdiisa la baaraayo. Marka waxyaabahaan noocaas oo kale ah buufiska ah qofka waa inuu iska dhaafo ayaa fiican, dhinaca diini markii la eego waa in la ogaado mas’uuliyadda ka ratimaysa, haddii marka qofka asagoo og xanuunka ama iska shakisan u tagi waayo, oo sidaa ku joogo oo hadhow sida Khadra ay sheegtay qof kale dartaa waxii ay ku dhacaan, aaqira mas’uul baa ka tahay, dambiile ayaad tahay. Markaa maxaa kaa maqan haddii lagu yiri bilaash ayaa lagugu baarayaa, lacag lagaama qaadanayo, haddii lagu yiri  ma aragtey sida ugu sahalsan ayaa laysku baarayaa oo waa maxay, wax yar oo shaki ah haddii aad sheegato waa lagaa oggol yahay, meesha waddamada qaarkood hadda la diidan yahay baaritaanka, Iswiidan oo kale waxaa maalin dhoweyd miiska saarnaa in xattaa reerka oo dhan la baari karin, oo capacity ku yar tahay, madaama adiga aad joogto waddan wixii oo dhan laguu sahlay waxaad ku dido khatar waaye, diini ah mas’uul ayaa ka ratibmaysa haddhow aaqira Ilaahi ku weydiinaayo sababta aad arrinkaa uu dayacday haddii qof dartaa u dhintana lagu weydiin doono, Ilaahi Quraanku ayuu ku sheegay [arabic], qofkii qof noolaayo asagoo dadka dhan nooleeyay, qofka qof, naf dilana waa asagoo dadka dhan dilay. Ayadoo dhimashadii  iyo noloshi Ilaahi gacanta ku haysto maxaa looga cabbiray, sababteeda haddaa noqotid waaye. Marka waxaa fiican qofka mar kasta inuu is ilaaliyo aad taxadartid, bulshadana aad ma aragtey arrinkii la keeno aad qaadato, wixii wanaag lagu gaari karana aad sameyso waa muhiim [unclear].

S. Aden: Ok, waad mahadsanidiin. Waxaan u gudbaynaa sida hadda waxaa miiska saaran oo dowladda iyo muxuu ahaa maamulada kala duwan ee Finland ay ka doodayaan in la soo celiyo xaaladii bandowgii iyo wax la mid ah, haddii xanuunka kordhaayo. Marka muddo intee la eg ayaa xaaladdaan lagu sii jireyaa, misee waa iska caadi, macnaha waxay noqotay  waxa ay dhahaan waa xaalad caadi  oo caadi iska noqotay bahashu, ee ma loo dhaqaaqi karaa macnaha, ma la soo celin karaa dhaq-dhaqaaqii  sida xorta ahaa ee maxuu ahaa haddii loo eego kullamadii asxaabta iyo maxuu ahaa qaabki aan u dhaqmi jirnay koronaha ka hor. Marka arrintaas maxaa ka macnaha ka leedihiin Khadra?

K. Sugulle:  Waxay u eg tahay haddertaan xaaladda cusub inay noqotay in dadka la ilaalinaayo la taxadarayo waxaaso oo dhan, waxaan u maleeyaa inay socon doontoo ilaa iyo aan ka helno wax tallaal ah ama si looga hortago xanuunkaan. Laakiin hadda waa inaan la qabsano maskaxdeena gelinno inuu new normal ay tahay maadaama si kale umaddii loo istaajin karin ama loo celin karin waxaa qasab ah in sharciyo cusub iyo xuduudyo cusub la sameeyo oo dadka lagu ilaaliyo sidaas. Sida annaga naloo dhowro dadkiina naga waaweynaa loo dhowro, dadkii xaaladaha adkaa gali lahaa aygana loo dhowro markaa waa inaan la soconno macluumaadka ka soo baxaaya mar walba kuwaas ku dhaqanno, laakiin ilaa tallaal cusub ama wax kale naloo sheego uma maleynayo inaan ku noqonayno sanadka bilowgiisa sidaa aan ahayn ama sanadkii hore.

14:58

A. Sugulle:  Absolutly, Waxaan is leeyahay kolley marka horey Ilaahi Sucaan Waa Talaala wato waaye oo mucjisa ah runtii adduunka, laakiin hadda markaad aqriso wararka iyo waxyaabaha socdo iyo saadaasha aad fiiriso, yacni runtii ma sahlana xaaladda, sida loo sahlanaayo ma ahan ee shalay waxaan aqrinaayey ergaga gaarka uu qaabilsan WHO arrimahaan korona u qaabilsan oo ka dhigaaya xittaa mowjadda seddaxaad ee hadda laga hadlaayo, mowjadda labaad ayaa hadda lagu jiraa, marka mowjadda seddaxaad ayaa laga hadlaayaa oo January ah, tallaalka laftigiisa waxaa la leeyahay si uu hadda adduunka ku soo gaari lahaa waqti u baahan tahay, shirkadihi xittaa hadda dagaal ayaa ka dhax socdo iyo tartan, maalin walba mid ayeey waxay leedahay waxbaan soo saarey, marka arrimahaas oo dhan waxay keenayaan in la taxaddaro oo mar kasta qaabka loo taxaddaro, iyo sida la isu ilaaliyo uun bay ku xiran tahay, meelaha qaarkooda hadda sida Australiya gobolka koonfureed ee meeelaha ugu darnaa ee adduunka ahaa shalay xuduudyada waa la furay, nolosha caadi ayeey ku soo noqdeen, marka waxaan dhihi karaa waa wax Ilaahi xagiisa Subcaano Tacaala ku xiran, dabadeedna annaga nalaga rabo inaan dadaal la imaanno oo wixii la sheego aan qaadanno.

S. Aden: Su’aashaan waxaan rabaa inaan Khadra weydiiyo maadaama aad qaybta caafimaadka ugu muhiimsan aad ka shaqeysid, sidee loo wajahaaya xaaladdaan, macnaha markii ay timaado maxuu ahaa dadka ay duruufaha hasaytaan sida daalka iyo walaaca ma la yerayn karaa dadka haysta oo arrintaan ay abuurtay ee maxay caawimaad ah ay dadku ka heli karaan magaalada Espoo, ama guud ahaan bulshada Soomaaliyeed tusaale ahaan maxay haystaan adeeg bulsho ah ama macnaha waxyaalaha ay heli karaan maxaa ka mid ah?

K. Sugulle: Haddertaan waxaa aad iyo aad ugu muhiimsan marka qofka testiga laga qaado oo haddii laga helo oo la dhaho koronafayrus ayaa kugu dhacey, waa lala soconaayaa qofka xaaladdiisa, waa la wareysan, markaa taas kaliya ayeey waxay u tahayba qofkii wada sheekaysi uu ka helay qof haddii uu daalka ugu soo yimaado haddii xaaladdaada is-beeddesho ama wax la mid ah, waxaana haddertaan anaaba gadaal uga fekeray oo waxaan is-dhahey maxaa jira oo bulshada Soomaali sidee, ma meel gooni ay wici karaan baa jirta, laakiin Espoo ahaan uma maleynaayo haddii aan qaldanahayna waa ii saxi kartiin, laakiin uma maleynaayo Espoo ahaan ay jirto meeel ay umudda Soomaali keli la xiriiri karto, marka hadda waxaa aad iyo aad u muhiimsan qof walba maadaama la yiri ilaaliya in dadkeena is-booqanin iyo waxaaso oo dhan, telefoonkii noolooma diidin, marka waa inaan annaga iska war hayno, bulshadeena waxaa aad iyo aad u muhiimsan waxaa weeyaan oo aan aad iyo aad uga sheekeeyo u ammaana waxaa weeye in umadda layska war haayo, marka iska war hayntii nolooma diidin, waa inaan is soo wacno qoftii haddii lagu sheego inuu hargab ku dhacey ama waxaaso la miiraan in qofkii la caawiyo, uma baahnid inaad qofka aragtid laakiin iridda gadaasheeda waxaad ugu geyn kartaa adeeg, waad wici kartaa, waa wareysan kartaa, intaasii oo qofkii walbahaarki iyo daalki iyo wareerki kaa saari kartaba kugu filan.

S. Aden: Abdirisak ajaanibka markii laga eego waxaan nahay markii cabbirada badan ama waxyaabo badan lagu cabbiro bulsho isku xiran ayaan nahay, masaajidada iyo meelaha bulshada aad ayaan iskugu imaanna oo waan soo aruurnaa, meelahaas marka dabcan waxay ka mid tahay meelaha bulshada lagu caawin karo, haddana waxaa yaala riskiga, oo dad kala duwan ayaa iskugu imaanaayo, marka maxaa arrintaas ka leedahay.

A. Sugulle: Arintaas waxaan is leeyahay horta annaga reer Espoo haddii aan nahay, runtii waa ka nasiib badan nahay meelaha kale, inta aan arkey aniga, aniga turjubaan ayaan ahay, marka aan turjumaayo meelo badan ayaa turjumka ka soo dhaceysa, runti Espoo waxaan is leeyahay waa meelaha ugu wanaagsan ee xagga la socodka dadka, aniga naftigayga oo kula hadlaayo bisha sagaalaad soddonkeeda ayaa layga helay koronaha, inkastoo si khafiif ah uu igu dhaafey oo wax dhib uusan lahayn, laakiin Espoo waxay ku fiican tahay sida laguu soo wacaayo, waxaa laga yaabaa in wiiggii lagu soo waco afar goor, maalin dhaaf ah laguu soo wacaaya, horta taas waa fursad, dadka way dhibsadaan, maxay iga soo wacaysa, maxay islaantaan sheegaysa, maxuu qofkaan ila hadlaayo, laakiin adiga ayeey faa’iido ku tahay, yacni xaaladdaada ayaa la ogaanayaa. Taas marka waxaan is leeyahay waa muhiim, haddii qofka uu dareemo ciriiri, wuxuu wici karaa qaybaha loogu talagalay, ceeb ma ahan inuu la hadlo qeebahaan caafimaadka maxkaxda, ma ahan inuu jirran yaay, waalan yahay macnaheedu. Yacni qofka waa la hagaaya, waxaa lagala shekeysanayaa wixii uu baahnaa, waxaan kalo aniga ku dari lahaa bulshadeena waa horta runtii bulsho aad uu fiican, oo is dhax gal badan, laakiin waxaan ku dari lahaa baaqa aan soo jeedinaayo oo ah runti in laga war qabo dadka aan ehelkuu uu joogin, halkaan xanuunka ku dhacey. Runti waxaa la yiraahdaa nicmada ma la garan karo ilaa uu qofkuu dareemo, aniga hadda markii xanuunku igu dhacey dabcan ehelkayga ayaa joogo inta oo fara badan, Espoo kaliya ayaa waxaa deggan afarta geeso oo wax aan u baahnaa ma jirin oo wax walba waa naloo keenaayey, waxa kaligey aan ka fikiraayey habeenada qaarkood ka fikir jiray bal ka warran qofka aan haysan cid ehel ah oo xanuunka ku dhacey, oo la yiri waxba ma doonan kartid, bannaanka uma bixi kartid, markaa qaddiyadaas oo kale in dadka aad loogu warqabo iyo qofkana mar aan la weydiin oo maxaad u baahan tahay aan dhihin, qofka loo adeego oo loo geeyo oo ma aragtey laga warqabo runtii, masaajidkuna wuu sameeyaa arrinkaasoo matalan adeegga oo kale hadda qofka u baahan wixii u baahan oo dhan ayuu sheegayaa, qofka gurigiisa loogu geynaya, haddii uu hilib raabo, haddii uu cunto rabo, marka runtii dhinacaas waan ku fiicannahay, kaliya laakin dadka laga warqabo aan dadkoodi joogin.

S. Aden: Su’aasha ugu dambeysaa ayaan mareynaa barnaamajkeenuna gabagabo ayuu maraaya, su’aasha ugu dambeysaa waxaa weeye, waa maxay tilmaamaha ugu muhiimsan ee aad siin kartid dhegeystayaalka barnaamajkaan oo aad is leedahay waxay xoojinayaan badqabkooda, caafimaadkooda, macnaha si ay ugu dhax jiraan nolol maalmeedkoodi xilliyadaan hadda koronada lagu jiro, tusaale ahaan sidee ku habboon oo ay isku booqan karaan, kullamadooda u maareyn karaan soo dhawoow Khadra.

21:00

K. Sugulle: Hadda [unclear] waxay sameysay maxaan ku yiraahda, waxay soo dejisay shan arrimood, shanta arrimood waxaa weeyaan haddii aad astaamo isku aragtid, inaad testiga aadid, isla markaaba astaantaba ha yeraate, in dadka marka magaalada aad mareysid ama shaqada aad joogtid in laba mitir, ugu yaraan laba mitir idinka dhaxeyso, waxaa kaloo muhiim ah midda saddaxaad in af-shareerka la xirto, tan afaraadna waxaa weeyan in gacmaha oo la dhaqo aad iyo aad u muhiimsan, haddii aad rabtid inaad qufacdidna, aad ku qufacdid cududdaada, gacanta inaadan ku quficin, cududdaada ku qufacdid. Waxaa kaloo, maxaan ku yiraahdaa, application’ka ay soo saareen af Soomaali ma jirtaa, coronavil kuwa la dhaho in qof walba telefoonkiisa uu soo gashto, dadka waa weyn oo aan garaneynin sida loo isticmaalo loo sharraxo, laakiin haddertaan intaas ka badan.

A. Sugulle: Barnaamajka Khadra ay sheegayso waxaa la dhahaa visivaltia corona valstaan, anaa tujumay oo waxaa isla diyaariyay [unclear], marka xalay baan dhameeyay, saakey ayaan u diray shirkadda u diray, marka barnaamajka waa barnaamaj aad u fiican waaye, waa campaign ama olole, hadda loo rabo in laga hortago, instagramka ayaa la gelin doonaa, waxaa ku jiro dad caan ah, oo waxaa ka mid ah [unclear] madaxweynihii horey, marka runtii barnaamajkaas laftigiisa in laga qaayb-qaato oo la faafiyo, asagoo luqado ah way samayn doonaan, marka runtii waxay ila tahay intaas ayaa muhiim ah. Qofka inuu dhiniciisa ka dadaalo.

S. Aden: Tusaaloyin fiican ayaad bixiseen oo muhiim ah, qaybtii kullumadii maxaan ku beddeleyna iyo shirarkii?

A.Sugulle: Kullumada waxay ila tahay hadda adduunka wuu fududaadey. Waxaa waaye virtual ayaa la helay, macnaha in laga dhigo dhinaca netka laga dhigo, ayaan dhaxaas waxaan arkey runtii Maraykanka ma aqoon, aroos cajiib ahoo, labo qofood is aroosaysay, marka guriga ayeey joogaan ayaga, dhowr qofna waa la joogaan, dadkii kale oo qaraabadooda oo dhan waxay ku jiraan netka, marka hadda xattaa telefishinka ayaa la soo wadi geli karaa intii la isku xiro.  Marka Ilaahi ha inoo fududeeyey marka waa in laga faa’iideysto tiknolojiiyada waa muhiim.

S. Aden: Muhiimadda waxaa weeye, waxaan u arkaa macnaha inay xilligaan  xasaasiga ah oo lagu jiro in xiriiryadii iyo muxuu ahaa salaamihii iyo is-booqashadii aan u beddelno inaan isticmaalno aladahaan maxuu ahaa social midiyada haddii ay tahay zoom’ka, haddii ay tahay whatsApp, haddii ay tahay wax kasta.

K. Sugulle: Sidii haddii lo fiiriyo in dhallinyarta hadda wixii ay ka raadsato laga yaabo inaa loo dhaqaaqo meel ama meel la aado, hadda waa laguu fududeeyey meesha aad saacad u socon lahayd, telefoonka baad qaban, fiideyow ahaan baad qofka kula hadlee, ama telefoon ahaan ayaad ugu wacee bes, intaas ayaa ugu fududba haddii sidii loo fiiriyoba shaqadii ama iskuulkiiba badankood waxaa loo beddelayba in guriga laga sameynaayo, marka adoo soo kacey oo aan u baahnayn inaad gurigaaga dhaaftid ayaa kombyuutarka furan, bes waaba gashay, waa inaan u fiirinno dhibaato walba waxay leedahay

A.Sugulle: Faa’iidadeeda, oo wax laga barto

K.Sugulle: Nacam, hadda laga yaabo maalinta ilaa tan iyo afartaada saacadood inay badatey madaama aad u baahnayn inaad bas raacdid ama gaari u qaadatid meelaha, ama tareen raacdid markaa inaan fiirinno dhankaasna, ayaan ugula talin lahaa dadka.

S.Aden: Aad ayaad Abdirisak iyo Khadro u mahadsan tihiin. Haddana waxaa weeye barnaamajkeena ayaan gunaanadkiisa ayaan ku jirnaa. Dhegeystayaasha sharafta leh waxaa weeye waxaan rabaa halkaan inaan barnaamajkeena maxuu aha, badbaadi Espoo ku soo gabagabeyno, oo waxaan rabaa anagoo uga mahad-noqaayo  martida sharafta leh oo runtii aqoonyahaniinta ah, oo arrimahaan sii fiican ugu xeel-dheer ayaan u mahad-noqayaa, haddana waxaan rabaa inaan dhowr tusaale ku daro oo maxuu ah ee, waxyaalahaan macluumaadka ah la xiriira korona sida la sheegay wuu is-bedbeddelayaa maalin kasta wuu is-beddelayaa annaga oo xittaa shaqaale ah oo shaqadeena qayb ka mid ah tahay ayaan waxaan la socon wixii shalay la go’aamiyay in inaan mar kasta dib u eegno mooyee. Sidaas awgeeda waxaa muhiim ah inaad ku tixinataan baraha internetka ee Espoo, qaybta la yiraahdo hagida korona ama korona-oheita, halkaas ayaad ka heleysaan asagoo luqado kala duwan ah iyo luqaddiina hooyo ah. Marka fadlan ku xirnaada kaas, waxyaala aad ka helysaan waxaa ka mid ah is-beddelka cusub ee ku soo kordhay oo yimaada iyo hagidda iyo tilmaamaha ah in la saxo, la raaco. Taas waa mid, midda ugu dambeysa waxaa weeye, waa muhiim xilligaan wadajirku, waxaa kaloo aad u muhiim ah inuu qof walba mas’uuliyad gaar ah is-saaro, waxaa weeye mas’uuliyad gaar ah isi saar si xanuunkaan faafitaankiisa  aan wax uga qabanno, bulshadeenaana u badbaadino, dadkeenana iyo waddankuna u badbaadaan annaguna nafteena u badbaadinno. Wadajir ayaan uga hor tagi karnaa cudurkaan, wadajir ayaan aa aan magaalada Espoo ku badbaadin karnaa, aad ayaad u mahadsan tihiin, aad ayaad u mahadsan tihiin, Salaamu Calaykum Waa Raxamatullaahi Waa Tacaala Waa Barakaatu.