Talooyin la xariira Korona Fayraska

  • Jaa Facebookissa
  • Jaa Twitterissä

Waxyaabaha ay tahay in la xasuusto inta lagu jiro aafada

  • Dhaq gacmahaaga had iyo jeer. Isticmaal saabuun ama, haddii loo baahdo, gacan nadiifiye. 

  • Ku qufac ama ku hindhis warqad ama gacanta shaatiga.

  • Ha dhex galin dadka kale haddii aad leedahay wax astaamo ah.

  • Ka fogow dadka badan oo ha u dhawaan dadka kale. Xusuusnow masaafada badbaadada (1-2 mitir).

  • Ka fogow meelaha dadku isugu yimaadaan, ha taaban meelaha gacanta la saari karo (tusaale, gacan qabsiga tareenka) ee guriga ka fog. Cudurku wuxuu si fudud ugu fidaa meelaha ay dad badani booqdaan.

Xiro af-saab

  • gudaha dhammaan goobaha firaaqada, gaadiidka dadweynaha, goobaha banaan, munaasabadaha dadweynaha, hiwaayadaha, dukaamada iyo adeegyada 

  • gudaha isboortiga gudaha dhismaha, marka laga reebo inta lagu jiro ciyaarta 

  • marka la joogo dugsiyada dhexe, dugsiyada sare iyo mac'hadyada waxbarashada sare 

  • marka la joogo xarumaha dhallinyarada

  • marka la joogo xarumaha xannaano-maalmeedyada iyo marka la keenayo iyo la kaxaynayo carruurta 

  • goobaha shaqada isku imaad walba iyo marka aad meel ka baxeyso iyo tagayso meel kale. Talada waxay ku toosan tahay goobaha shaqada ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah.

Magaaladu waxay u qaybisaa af-saabyo lacag la'aan ah dadka aan awoodin inay iibsadaan. Dadka kale ee reer Espoo waa inay laftooda soo qaataan maaskarooyinka.

Af-saabyada loogu talagalay dadka danyarta ah ayaa lagu qaybiyaa xafiisyada daryeelka bulshada iyo xafiisyada hay'adda:

Espoon keskus

  • Ururka Hyvä Arki, Siltakuja 3 B, Isniin–Jimco 9:00–13:00
  • Ururka Manna-Apu association, Tuomarilantie 19, Isniin–Jimco 9:00–13:00

Espoonlahti

  • Kivenkolo, Merisaapas 1 A, Isniin–Jimco 9:00–11:30 iyo 13:30–14:00

Leppävaara

  • Xafiiska Adeegyada Bulshada ee Espoo, Komentajankatu 5 C, Isniin–Jimco 9:00–15:00
  • Raitin Pysäkki, Konstaapelinkatu 1 A, Isniin–Jimco 10:00−14:00

Matinkylä

  • Adeegyada Soogalootiga ee Espoo, Pyyntitie 3, Isniin–Jimco 9:00–15:00
  • Espoon Ankkuri, Matinkartanontie 16 B, Isniin–Jimco 9:00–14:00

Waqooyiga Espoo

  • Xarunta Adeegga ee Kalajärvi, Ruskaniitty 4, Isniin–Khamiis 13:00–15:30

Tapiola

  • EJYn Kansalaistoiminnankeskus, Kauppamiehentie 6, Isniin–Jimco 10:00–15:00

Xaddid u dhowaanshaha dadka kale

  • Ha isu soo uruurina – cudurka COVID-19 wuxuu ku faafaa xafladaha, kulamada asxaabta iyo xarumaha dukaameysiga. Xilligan, munaasabadaha gaarka ah laguma talinayo.

  • Dhammaan dhacdooyinka guud ee gudaha iyo dibedda iyo shirarka guud waa mamnuuc.

  • Dhammaan ganacsiyada macaamiisha u furan ee dadweynaha waa la xiray. Tan macnaheedu waa tusaale ahaan dhammaan xarumaha isboortiga gudaha, guryaha dhaqanka, matxafyada iyo xarumaha dhalinyarada ee magaalooyinka. Wax-qabadyadda xarumaha waxbarashada ee dadka waaweyn waa la hakinayaa.

Iska baar COVID-19

Baaritaanka cudurka COVID-19 ayaa loo heli karaa qof kasta oo leh astaamo muujinaya in laga yaabo inay qabaan cudurka COVID-19.

  • Waad ka qaban kartaa laftaada ballan baaritaan gudaha Koronabotti, koronabotti.hus.fi.

  • Haddii kale, waxaad wici kartaa khadka telefoonka COVID-19 ee Espoo, 09 816 346 00 (Isniin–Jimco 7:00–18:00, Sabti–Axad 9:00–15:00). Waqtiyada kale, soo wac Khadka Caawinta Caafimaadka, tel. 116 117.

Kaliya booqo xarun caafimaad haddii aad ballan leedahay

Lambarka laga qabsado ballanta ee xarumaha caafimaadka ee Espoo ee arrimaha kale, tel. 09 816 34500 Isniin-Jimco 7:00–18:00.  

Ku soo dejiso barnaamijka Koronavilkku app gudaha telefoonkaaga

Barnaamijku wuxuu gacan ka geysan karaa helitaanka dadka laga yaabo inuu ku dhacay cudurka COVID-19. Haddii lagaa helo cudurka, waxaad si qarsoodi ah ugu soo sheegi kartaa gudaha barnaamijka. Barnaamijku sidoo kale wuu ku ogeysiin haddii aad u dhowaatay qof qaba cudurka.

Koronavilkku waa ammaan in la isticmaalo. Barnaamijka Koronavilkku app waxaa bixiya Mac'hadka Qaranka ee Caafimaadka iyo Daryeelka (THL), wuxuuna ka shaqeeyaa Finland.

Waxaad uga soo dejisan kartaa barnaamijka si lacag la'aan ah barta Koronavilkku.fi. Barnaamijka waxaa lagu heli karaa Af-Finnish, Af-Iswiidhish iyo af-Ingiriis. (InfoFinland.fi)

Waxbarashada carruurnimada hore

Xannaano-maalmeedyadu way furan yihiin. Waxaa laguu oggol yahay keliya inaad tagto xarunta xannaano-maalmeedka haddii aad caafimaad qabto. Waxaan idin ka codsaneynaa adiga, mas'uuliyiinta, inaad iska ilaalisaan inaad sii joogtaan gudaha xarunta xannaano-maalmeedka si aad u yaraysaan baylah noqoshada. Carruurtu, waqtigan la joogo, uma soo qaadan karaan alaab-alaabaydooda xarunta xannaano-maalmeedka. 

Fadlan xiro maaskaro marka aad keenaysid ama kaxaynaysid ilmahaaga

Waxbarashada dugsiga sare

Waxbarashada dugsiga sare (dugsiyada sare, waxbarashada xirfadaha iyo machadyada tababarka) waxaa loo wareejinayaa waxbarashada onlaynka. Baahida loo qabo barashada dhawaanshaha ee lama huraanka ah waa la daboolayaa. 

Maktabadaha

Laga bilaabo maktabadaha waxay bixin adeeg xaddidan, oo ay ku jiraan:  

  • Ka soo ururinta waxyaalaha marfishka boos-celinta. 

  • Macaamiladda lagama maarmaanka ah ee degdegga ee kombiyuutarada macmiilka.

  • Habka adeegga la doorbidaa waa sii ballansasho hore iyo isu-adeegid iyadoo la adeegsanayo mashiinka amaahda otomaatiga ah.

  • Haddii loo baahdo, caawimaad iyo talo ayaa laga heli karaa kursiga adeegga.

  • Xiro maaskaro

Waxqabadyada hiwaayadda

  • Waxqabadyada hiwaayadda dadka da'doodu ka yar tahay 12 sano waxaa lagu qabanqaabin karaa meelaha gudaha ah ee ay maamulaan magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa.

  • Waxqabadyada hiwaayadda dadka ka weyn 12.ka sano ee xarumaha  magaalooyinku maamulaan, waa la joojiyay.

  • Goobaha isboortiga bannaanka ayaa loo heli karaa deganayaasha marka aan loo isticmaalin waxqabadyada hiwaayadda ee carruurta iyo dhallinyarada.

Adeegga macmiilka

  • Goobaha Adeegga ee Espoonlahti, Leppävaara iyo Tapiola waa la xiray.
  • Goobaha Adeegyada ee Espoon keskus, Kalajärvi iyo Matinkylä weli way furan yihiin.
  • Arrimahaaga ku dhamayso onlayn, haddii ay suurtagal tahay.

Safarka

Ka fogow safarka aan daruuriga ahayn. Liistada ugu dambeysay ee xayiraadaha safar waxaa laga heli karaa mareegta Dawladda.

Raac tilmaamaha karantiilka

  • Raac tilmaamaha lagu siiyo haddii aad sugeyso ballankaaga tijaabada fayruska korona ama natiijada tijaabada ama la kullantay qof qaba COVID-19. Tilmaamaha karantiilka luqadaha Af-Finnish, Af-Iswiidhish iyo Af-Ingiriis: espoo.fi/karanteeniohjeet
  • Fadlan la soco in ku xadgudubka amarka karantiil ee mas'uuliyiinta cudurada faafa lagu muteysto ciqaab.

Tilmaamo dheeraad ah oo loogu talagalay dadka deggan Espoo: www.espoo.fi/coronavirus. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa iswade (smartbot) mareegta magaalada espoo.fi. Waxaad ku weydiin kartaa iswadaha su'aalo ku saabsan fayraska korona in ka badan 100 luuqadood.

Mareegaha kale ay ku jiraan macluumaad ku saabsan fayraska korona iyo astaamaha ee luuqadaha kala duwan ah

Wadajir ayaan ammaanka uga shaqeynaynaa: Waxaan soojeedinaynaa in gaadiidka dadweynaha lagu dhex isticmaalo af-shareerka.
Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan garashada Cudurka Coroona ee waalidiinta iyo qoyska (pdf, 63 Kt)
Hagid iyo macluumaad la xariira korona fayris (pdf, 275 Kt)